Hi guys, I have recently discovered a funny poem written about Facebook recording the diversity of people using this social network. Somalis are known as oral society, a society where our heritage is recorded in the expression of the tongue, expression that was recorded by memory and transported to distant lands to convey whatever message that was intended whether it would be the drumming of war, praising the prowess of the tribe's status or just serenading the beauty of a young maiden. This new generation of Somalis have taken the God's given talent of the Somalis as natural poets to the information super highway to spread our heritage and exchange our thoughts from four corners of the globe. Aiding this new way of communication via the spoken word, this new generation of Somalis have fused together the power of the pen with that of the spoken word essential paving the wave a new way of communication. We know us sSomalis love dialogue, stories, poems and most of all news, fresh up to date news. Iska waran, maxaa cusub, waran, wax sheeg... all our greeting indicating... give me data input, just like the film SHORT CIRCUIT where the computer is so hungry for data, he goes through thousand books digesting information just to understand mankind, we Somalis being a nation of Nomads and still continuing our traditional nomadic existence in this globe we are now interconnected by this new invention of communication bringing us closer together then we have ever been, exchanging our cultures, believes and our way of lit4, even finding the odd husband and wife via this network. So we salute this great Somalilander JAMAAL CALI XUSEEN for capturing the meaning of facebook and how its used and the way it interconnects us all. A wonderfully penned poem about the famous social network FACEBOOK enjoy reading it
Gabay: Face Book
Qalinkii: Jamaal Cali Xuseen
...
Foosiyoow su’aal gabay beryaan, sooma aan furine
......
Maan soo fadh-fadhin maansooyinki, faraha weeynaaye,
...
Caawaanse rasaas aan faraqiyo, face-ka book geliye
Falaadkii casriyadan haddaan, dib uga faalloodo,
Ilaahay noolihii farsamo, talo ku fiicneeye,
Marka Facebook farriin lagu diree, laysku wada foodhyo,
Ninkasta halkuu fiirin markuu, faraqa soo xayto,
Waa mirqaan Fuluus ka roonoo, lagu fayaamaaye,
Fasahaad hadday gaadho se waa, fawdo ololayse,
Caqligu hadduu kaa fooraro, waa fadqalalayne,
Ha moogaan Facekaa warkiisiyo, dunida feygaaran,
Adduunyadan Facebook cusubi, hawsha fududeeyay,
Adduunyadan fogaatee Finger, laguba faa’iidey,
Adoo gurigaa fadhiya baad, faallo soo bixine,
Qolooyin kaa fog baad muran, farafarayn qodiye,
Waagii Fardaha la watiyoo, Farowyadii geela
Facebook baa badeliyo ninyow, farsamooyin kale e,
Warar fresh ah iyo baad ka bogan, faallo iyo nuure
Waa goob family iyo asxaab, faraha yaabtaaye,
Waa goob friends laga dhergiyo, sawiro fiic- fiican,
Waa fooraha roob onkodiyo, fashionkan maanta ahe,
Ha moogaan Facekaa warkiisiyo, dunida feygaaran,
Darbay fajeciso la tahay haddaad, Faceka garanayne,
Ma fayoobay ku odhan ruux hadduu, furanin facebooke,
Darbaa fulaan iyo la bixi, magacyo fookeeysan,
Darbaa fidmo Facebook u yihiyo, Faranji hawshiise,
Dadbaa fadhiisin ka dhigtiyo, filimo dhaadheere,
Darbaa feedh facebook u galiyo, faashkuun ku dhufee,
Darbaa magacyo false ah gashtiyo, sawiro faambaayr ah(Vampire)
Ragbaa fadalka tuurayoo, fiiqa sare joogge,
Dadbaa Faransiis ka akhriya, boggaga Facebooke,
Ha yeeshee darbaa murti fataha, fikirka suugaante
Waa goob dhallinyaro fir-fircooni, farax ku ciidayse,
Ha moogaan Facekaa warkiisiyo, dunida feygaaran,
Maxaa profile la fidiyeyiyo, doodo lagu foofay,
Maxaa gidaaro “Fans” eegaya, fasaxyo dhiibaaya,
Maxaa footo aan la rabin iyo, magacyo faanaaya,
Maxaa mid gabadh faduuliyey, haawlo fulinayaa,
Maxaa hanad tacliinliyo fannaan, feker ka yeedhaaya,
Maxaa nin ragoo fariid is biday, farda-fardeeynaaya,
Maxaa Filoosafar iyo Farshaxan,“Fish and Chips” joogta,
Waa goob dhallinyaro fir-fircooni, farax ku ciideeyse,
Waa mirqaan Fuluus ka roonoo, lagu fayaamaaye,
Waa fooraha roob onkodiyo, fashionkan maanta ahe,
Ha moogaan Facekaa warkiisiyo, dunida feygaaran,
Maxaa future gabadh la hiigsado, faraqa jiidaysa,
Maxaa googaa i fahantiyo, faqu qadhaadhaadey,
Maxaa gabadh fariidoo dal jecel, erey ku feygaartay,
Maxaa sawiro faanniyo hanbalyo, faallo ku idlaatay,
Maxaa faataxo diin iyo culeys, falsafad yeedhaaya,
Maxaa dhallinyaro faa’iido li’iyo,, ficilo ii yeedhaay,
Waa goob dhallinyaro fir-fircooni, farax ku ciidayse,
Waa fooraha roob onkodiyo, fashionkan maanta ahe,
Ha moogaan Facekaa warkiisiyo, dunida feygaaran,
Markaad fajac Facebook gashee, furato geestaada,
Farriimihii wacnaa baad akhriyi, farabadnaantoode,
Waa dhallinyaro fayooboo, firixda kaa keeni,
Saaxiibbo fog-fogiyo darbaad, faallo kula tiigsan,
Ha yeeshee sawiro la fahminoo, foorar kugu beera,
Gidaarkaaga lagu fakh siin, fasax la’aaniiye,
Waa goob dhallinyaro fir-fircooni, farax ku ciidayse,
Huu huu iyo fuu fuu marna, uguma feesteeyne,
Farsamadaa yaabka ahi waa, xaal aan fududeyne,
Ha moogaan Facekaa warkiisiyo, dunida feygaaran,
Waa goob friends laga dhergiyo, sawiro fiic-fiican,
Shaah fujaan lagu ilaawana, Faceka ka wareeyso,
Fudeyd iyo xumaan kuma arag, ficilo qaarkoodna,
Marbuuse fashilaad yahay iyo, gole ka fuulkaase,
Waa fagaare nin ragii fahmaa, nacas fiririqdiise,
Waa sida nin faras fuushanoo, jihaba aan fiirin,
Aaladaa Facekiyo sheekadaa, fadh-fadheeyntaasi,
Armey farsamadaa cusbi degtaa, fule xantii mooge,
Qalinkii: Jamaal Cali Xuseen
Tanzania
E;mail: jamaal71@yahoo.com

I really like the introduction you had given as well. It was about time we discuss this new wave of communication, This poem fitsthe current events in the facebook. Thanks
ReplyDelete